Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimada Jowhar, kadib safar shaqo oo todobaadkaan uu ku joogay Magaalada Muqdisho.
Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa dhawaan lagu wadaa inuu soo dhammeystiro doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, isla markaana waxaa ku harsan saddex kursi oo laba kamid ah maalmaha soo socda ay la qabanayo.
Madaama cabsi badan ka jirto magaalada Jowhar iyo inuu dagaal ka dhexdhasho beelah iska leh kuraasta loo tartamayo, ayaa ugu danbeeyntii waxaa la go’aamiyay in doorashada lagu qabto xerada Ciidanka Nabad Iaalinta ee ATMIS.
Waxaa isa soo taraya dareenka laga sabo in halkaas uu ka dhici doono dagaal lagu hoobto, gaar ahaan dagaal la xirira kuraasta uu Cali Guudlaawe uu u xiray Ducaale iyo Shiikh Sharif.