Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle ayaa maanta xareeyay Ergada dooraneysa kuraasta kala HOP#135, HOP#141 & HOP#146 waxaa usoo gudbiyay Odoyaasha dhaqanka Beelaha leh kuraastaas.
SEIT Hir-Shabeelle ayaa sheegay in musharixiinta u tartameysa saddexdaan kursi iyo doorashada lagu kala saarayo Musharixiinta u tartameysa HOP#135, HOP#141 & HOP#146 ee shahaadada guddiga ka qaadata.
Yaa ku fadhiyay kuraastaan:
HOP#135: Kursigaan waxaa ka geeriyootay AHUN Aamina Maxamed Cabdi 23kii Maarso 2022.
HOP#141: Wasiir hore ee Amniga XFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ku fadhiya.
HOP#146: Waxaa ku fadhiya Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur.
DG Hir-Shabeelle waxaa ku harsan saddexdaan kursi oo berri 30ka April 2022 lagu dooranayo Magaalada Jowhar xarunta Dowlad-Goboleedkaas, Guddiga SEIT ayaa wada qabanqaabada Doorashada kuraastaan.