Doorashada kuraasta Aqalka Sare Somaliland oo maanta bilaabanaysa

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga billaabaneysa doorashada xubnaha kuraasta Aqalka Sare ku matali doona gobollada Waqooyi ee Somalialand, waxaana la dooran doonaa lix ka mid ah kuraaskan oo ah 11 kursi, sida uu shaaciyay guddiga doorashada. Xarunta Afisyooni oo ay ka dhaceyso doorashadan ayaa ammaankeeda la adkeeyay, waxaana sugaya ciidammo iskugu jira booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Xubnaha tartamaya ayaa shalay jeediyay khdubado ay ku soo bandhigayeen waxqabadkooda iyo hiigsigooda haddii loo doorto kamid noqoshada Aqalka Sare, waxaana madashada doroashada gobollada Waqooyi daahfuray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!