Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka dhacday Dhuusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ku qabtay doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashasoodu tahay degaannada Galmudug.

Kursiga koowaad ee HOP139 oo uu horay ugu fadhiyay Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa waxaa ku guuleystay Cabdisamad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahlusunna.

Cabdisamad ayaa Cod gacan taag ah waxaa ugu codeeyay 101 Ergo kadib markii ay tanaasushay Xamdi Cali Shire oo la tartami laheyd.

Kursiga labaad ee HOP49 ayaa waxaa ku tartamay Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo kursigaan ku fadhiyay, Cabdullaahi Cabdi Guutaale, Jamiilo Cali Xeyle & Cabdinuur Ciise Xiireey, waxaase kursiga ku guuleystay markale Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo helay 68 cod, halka musharrixiinta kale ay kala heleen, Cabdullahi Cabdi Guutaale 21 cod, Jamiilo Cali Xayle 5 cod iyo Cabdinuur Ciise Xiireey oo aan wax cod ah helin cod, waxaana halaabay 3 cod.

Kursiga Saddexaad ee HOP51 oo uu horay ugu fadhiyay Xasan Macalin Maxamuud ayaa waxaa ku guuleystay Xuseen Maxamed Nuur oo mar soo noqday guddoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda Gobolka Banaadir, isaga oo helay 81 cod halka musharrixii la tartamay ee Maxamed Geedi Cawaale uu helay 14 cod, waxaana halaabay 2 cod.

Kursiga Afaraad ee HOP61 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Cabduweli Maxamed Qanyare ayaa waxaa ku guuleystay Dayax Axmed Cumar oo ay u codeeyeen dhamaan 101 Ergo kadib markii uu tanaasulay musharrixii la tartami lahaa ee Cabduqaadir Abuukar Cabdi.

Galmudug ayaa horay u qabatay doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda in Maamulada kale ay qabtaan doorashada Golaha Shacabka