Doorashada K/galbeed oo lagu baaqay in dib loo dhigo!!

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Aqalka Sare ee laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxa ay ka hadleen xariga Muqtaar Roobow iyo rabshadihii ka dhacay Magalada Baydhabo.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa marka hore u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay rabshadahaas,waxaayna caafimaad u rajeeyeen dadkii ku dhaawacmay.

Waxa ay dalbadeen in doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu wado inay dhacdo 19 Bishaan dib loo dhigo,isla markaana xurriyadiisa la siiyo Muqtaar Roobow si uu doorashada uga qeyb galo.

Geba-gabadii waxa ay ugu baaqeen Shacbaka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed inay xaalada dejiyaan,isla markaana iyaga aan loo adeegsan burburinta Maamulkooda.