Doorashada HoP#063 & HoP#011 oo saakay ka billaabatay Baladweyne

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan ahna Deegaan-Doorashada labaad ee DG Hir-Shabeelle waxaa ka billaabatay Doorashada labo kursi oo tirsigoodu yahay HOP#063 iyo HOP#011 oo ay ku tartamayaan 11 Musharax.

HOP#063 waxaa ku tartamaya 9 musharax oo uu kamid yahay Xildhibaanka Kursigaan ku fadhiya ee Cabdullaahi Goodax Barre oo markale rajeynaya in dib loo doorto, Haweeney & todobo kale oo Rag ah oo qudhooda hami ka qaba kursigaas.

Tartan adag ayaa loo gali doonaa helista HOP#063, Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle ayaa sheegay in 51 Cod musharixii hela uu si toos ah wareegga koowaad ugu guuleysan doono, balse haddii codadka ka yaraadaan wareeg kale loo gudbi doono.

La soco natiijada.