Doorashada Baarlamaanka Somaliland oo dib u dhac kale  ku yimid

Reading Time: < 1 minute

Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan dib u dhac ku yimid doorashada golaha wakiilada. Sida uu dhigayo xeerka  hoosaadka doorashada golaha wakiiladu, 120 maalmood ka hor ayaa lagu dhawaaqayaa in doorashadu dhacayso iyo In kale iyada oo wakhtigaasina uu ku beegan yahay 12 August 2019.

Guddida doorashada ayaa ku dhaqaaqay talabdii ay qaadeen  28 November ee sanadkii 2018  oo kale wakhtigaas oo ay sheegeen inaanay doorashaduna ku dhacayn wakhtigeedii, taas oo keentay in golaha guurtidu ay sameeyaan mudo kordhin ay ilaa maanta ku fadhiyaan.

Xildhibaannada Somaliland ee ka soo jeeda Awdal, Sanaag Bari iyo Sool ayaa sheegay in saami qeybsiga la xalliyo ka hor inta aan doorasho la’aadin. Sidoo kale waxa la filayaa in golaha guurtida somaliland ay mar kale mudo kordhin u samayn doonaan golaha wakiilada, iyada oo heshiiskii ay dhawaan gaadheen sadexda xisbi ayaan lagu cadayn wakhtiga doorashada iyo talaabada la qaadayo haday mudo kordhin kale timaado.