Doorashada Aqalka Sare oo si hambsami ah uga socota magaalada Jowhar

Reading Time: < 1 minute

Waxaa si hamsami ah uga bilaawaday Magaalada Jowhar doorashada xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto maamulka Hirshabeelle. 27 Musharax ayaa u taagan 8 kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle, waxaanaXildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas ay dooran doonaan qaar kamid ah Musharaxiinta tartameysa.

Xildhibaanada ayaa shalay dhegaystay khudbado ay u jeediyeen Musharaxiinta oo ay uga hadleen waxa ay qaban doonaan marka la doorto, waxaan doorashadan loo arkaa mid loollan adag. Kursiga ugu adag ee doorashada waxa ku tartami doona Senatar Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullaahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci iyo Dr. Xasan Caddaay.