Doorashada Aqalka Sare oo Baydhabo ka socoto

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Magaalada Baydhabo  toos kaga bilaabatay codaynta doorashada kuraasta aqalka sare ee Koonfur Galbeed. Kursiga doorashadiisa xiligan ay socoto waxaa ku tartamay Zamzam Ibraahim Cali oo horay ugu mid ahayd senetorada aqalka sare ee Soomaaliya iyo Shariifo Xaaji Cismaan Ibraahim.

Dhanka kale, waxaa hoolka doorashada ka dhaceysa ku sugan 88 kamid ah xildhibaanada dowlad goboleedka KG sidaas ayuu ku dhamaystirmay kooramka, balse waxaa xusid mudan tahay in 7 Xidlhibaan ay ka maqan yihiin halka ay ka dhaceyso doorashada xubnaha Aqalka sare.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!