Doorashada Aqalka Sare ee Puntland oo dib u dhac ku yimid

Reading Time: < 1 minute

Doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo maanta oo ku beegan 25-ka July, 2021.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaan weli soo gudbin liiska xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto degaannada Puntland.

Sidoo kale, Baarlamanka Puntland ayaan isna magacaabin guddigii qaban lahaa doorashada Aqalka sare, taas oo keentay dib u dhac ku yimid wakhtiga loo qorsheeyay in ay qabsoonto doorashada.