Doorashada 11 kursi oo Baladweyne Taallo oo dib loo dhigay

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle ayaa dib u dhigay Doorashada 11 kursi oo uu jadwalkoodu soo gudbiyay 2-dii Maarso 2022 sababo Farsamo.

SEIT Hir-Shabeelle ayaa sheegay in uu dib kasoo shaacin doono jadwalka cusub ee doorashada kuraastaan marka xal loo helo arrimaha farsamo ee sababta u noqday dib u dhigista Doorashada kuraastaan.

No photo description available.

8 & 9 Maarso ayaa lagu waday in la qabto Doorashada kuraastaan sida ku xusan jadwalka uu baabi’iyay SEIT Hir-Shabeelle balse waxaa laga sugayaa jadwal cusub.