Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaq oo wareysi lala yeeshay ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid tahay xil ka qaadistiisa, Wasiir Maxamed ayaa xilka laga qaaday 20 November 2021-kii maalin ka hor ayada oo ku beegneyd markii loo xushay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.
Wasiirka oo qabo gabar ka sooo jeeda dhalasho ahaan dalka Masar abaheedna uu madax ka ahaa ciidanka sierdoonka dalka Masar oo marti ku ahaa barnaamij ka baxayay BSTV ayaa la weydiiyay su’aalo dhowr ah oo ku saabsan xil ka qaadistiisa, wasiirka oo u hadlayay si maldahan ayaa banaanka keenay arrimo ay ka mid yihiin sababta xilka looga qaaday.
Wasiirka oo la weydiiyay in uu wax ka ogaay xil ka qaadista uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku jawaabay “ma qurux badneyn, gaar ahaan muddo hal isbuuc ka hor aniga iyo RW iyo Madaxweynaha aan wada hadalnay, baa la’iigu yiri waan ka wadashaqeyneynaa. Ka dib Nin baa iisoo diray oo iisheegay waan fiirshay, xataa taleefoon aan la’iisoo dirin”.
Dad badan ayaa rumeysan in hadlaka ka soo yeeray wasiirka ay uu ahaa mid ay saameyn ku lahayd xaaskiisa oo si joogta ah uga qaybgali jirtay shirar uu wasiirku la yeesho diblomaasiyiinta caalamka.
Hadalkaan oo ahaa mid maldahan ayuu ula jeeday xil ka qaadistiisa inuusan wax ka ogeyn uu ka arkay Social Media. Wasiirka oo arrimo badan qarinaayay ayaa si hoos loo weydiiyay waxa sababay, buu ku jawaabay “ma sheegin buuga aan qori rabo in aad igaaga hor dhacdid”.
Wasiirka oo hadalka sii wata ayaa yiri “Waan jeclaan lahaay in la’idhaho Maxamed Xilka waan kaa qaadnay, arrintaas waan isku diidnay. Maanta aniga inaan gobanimada ka raaco waan jeclaay”.
Wasiirka oo la weydiiyay. Ma aheyd waxaa isku qabateen madaxda arrimo ku saabsan dhaqaalo? Wasiirka oo ka warcelinayay weydiintaas ayaa yiri “waa u dhawdahay arrintaas” waxa uu ku siidaray “ waxa aan kuu sheegayaa runtii in dalkeena dhibaato aad u farabadan ka taagantahay, dowladdaan ama u ahow Muxaafad ama Mucaarad, waxyaabo u baahan in runta laga sheego ayaa jira oo ay ka mid tahay mushaar bixinta shaqaalaha iyo Ciidamada, nasiib darro taas ma wada gaarsiisana Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda”. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in wixii jira ay report ku soo baxaan balse uu ka gaabsaday in uu halkaas ka sheego.
Wasiir Maxamed oo mar laga weydiiyay arrimaha ku saabsan Masar ayaa yiri “waa run aniga Xaaskeyga waxay ka soo jeedaa Dalka Masar laakiin Soomalinimadeeda iyo daacad aan u haayo waa mid is fasiraysa inta aan u shaqeynaayay, in la yiraahdo Xaaskaaga ayaa waxaas ah waa mid raqiis ah”
Wasiirka ayaa beeniyay inaysan jirin ciidan Masar ah oo dalka la keeni rabo inta uu joogay aan la soo hadal qaadin. Dhinaca kale waxa uu carabka ku dhuftay deeq Caafimaad oo midowga Jaamacadda Carabta ugu talogashay Soomaaliya ayaa yiri “Qof Soomaali Caqligiisa magali kartaa, in la yiraahdo Masar la hadaloo diyaaradda Cargo oo Miletariga oo C130 la yiraahdo ma rabno, ee diyaarado kale hanalagu soo daabulo. Waalaga Jawaabi waayay Su’aashaas! Markii aan su’aasha weydiiyay oo si hoos la’iigu sheegay Itoobiyaanku ma rabaan. Daawo Jaamacadda Carabta bixisay, Masarna ay diyaarad soo saartay Soomaaliyane loo wado Itoobiya maxaa ka galay.”
Wasiirka oo ka sii hadlaayay xiriirka labada dal Masar & Soomaaliya ayuu sheegay Wasiirka in ay jiraan wax yaabo badan oo uu wax ka qabtay ka dib mar ay ka wada qeyb galeyn shir wasiir ku xigeen ka tirsan Masar, waxa uu yiri “markii aan wada hadalnay waxa uu ii sheegay in Safiir loo soo magacaabay Soomaaliya uusan joogin Muqdisho uu jooga Nairobi, in school ay joogeyn macalimiin masaari ah oo qarashka ay bixinayeen la kala diray, iyo in safaaradda masar aysan heysan dhul” asiga oo arinta ay isdhaafasadeen Wasriika ka socday Masar oo ka warcelinaya ayuu yiri “ Safiir waan u magaawnay Masar oo waan u dirnay, arrinta schoolka meel fiican ayee mareysay oo wasaaradda Waxbarashada ayaan warqad u qornay wixii laga qabtay way ku qanceen , tan dhulka Safaaradda Masar; waxaa dhacday in aan siinay dhul kuwa ganacsado ah nagu qabsadeen dhul ayaan ugu badalnay, waxaa dhacday aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha in aan aadnay Masar. Markii aan tagnay waxa aan nala siiyay dhul ku yaala Caasimadda cusub ee Masar guri wada dhameestiran oo waxa nala dhahay adinka keensada alaabta, aniga waxa aan isleeyahay xiriirkaas kalsooni badan ayaan galiyay waa laga yaabaa in ayada la’igula colaadiyo laakiin ma u maleynaayo marka ay noqoto RW & MD”.
Maxamed Cabdirisaaq ayaa ah ninka ugu afka dheer ee taageeri jiray madaxeeynaha waqtiisa dhamaday Farmaajo. Waxaa uu ahaa nin Farmaajo ku diraac dhibaatada uu dalka iyi dalda u geystay. Waxaana muuqata in markii la isticmaalay in isaga dibadda loo soo tuuray.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud aya xilka laga qaaday 20 November 2021 asiga oo lagu badalay la taliyihii hore Amniga ee Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali.