Dooni ay ku rarnayd bagaash iyo baabuur ayaa ku dagtay xeebta Barbara

Reading Time: < 1 minute

Sida uu sheegayo wararka ka imaanaya Somaliland Dooni ganacsi oo ay saarnaayeen rar lagu qiyaasay lacag dhan 50-milyan oo doolar ayaa ku dagtay meel u jirta dekedda Berbera 200 KM.

Doonidan ayaa waxaa ay u rarnayd ganacsato reer Somaliland ah, waxaana ay kasoo shiraacatay xeebaha wadanka Imaaraatka Carabta.

Waxaa ka hadlay dhibkii ka dhashay doontii degtay Cabdiraxiim Saleebaan Jaamac oo ka mid ahaa ganacsatada ay u rarnayd doonida ayaa sheegay inay saaraanyeen gaadiid kalle duwan iyo bagaash, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaray shirkadda Daldhis ee Somaliland oo ay u saarnaayeen alaab dhan 9 boqol oo kun oo doolar.

Cabdiraxmaan ayaa u sheegay warbaahinta in qaar ka mida shaqaalihii la socday doonta la soo badbaadiyay.  Shaqaalaha la soo badbaadiyay waxaa  ka mid ahaa Maxamed Al-naciim oo u dhashay wadanka Indiya lasoo badbaadiyay, iyagoo gurmad ka helay diyaaradaha ilaalada ka haya xeebaha Soomaaliya.