Dooda Somaliland ee Barlamaanka Ingriiska waa tilaabadii u horaysay ee aqoonsiga

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka dowlada Ingiriiska ee arrimaha Afrika Vicky Ford, ayaa sheegtay in dooda baarlamaanka Ingiriisku shalay ka yeeshay aqoonsiga Somaliland ay muujinayso halka ay Somaliland dowladeeda ka taagantahay, waxayna dhinaca kale arrimaha aqoonsiga ku riixday in Somaliland iyo Soomaaliya go’aan ka gaadhaan.

Inkastoo wasiirka ka gaabsatay dooda aqoonsiga baarlamaanka hadana dooda  aqoonsiga Somaliland ee Barlamaanka Ingriiska waa tilaabadii u horaysay ee aqoonsiga Somaliland. Waxaa ay fursad  u siisay kooxaha u ololeeya Somaliland in ay ku qasbaan baarlamaanka Ingiriiska dooda Somaliland, iyada oo hadana dib loo soo cusboonaysiin doono.

Ford ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Twitterka ku sheegtay in dooda shalay baarlamaanka waddankeedu ka yeeshay aqoonsiga Somaliland ay tusinayso meeqaamka ay Somaliland ka taagantahay Ingiriiska “Dooda aqalka baarlamaanka (House of Commons), waxay hoosta ka xariiqaysa halka ay dowlada Ingiriisku ka joogto meeqaamka Somaliland”.

Dhinaca kale, Ford ayaa arrimaha aqoonsiga Somaliland u riixday dhinaca Somaliland iyo Soomaaliya in ay go’aan ka gaadhaan “Somaliland iyo Soomaaliya ayay u taala in ay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda”.

Waxay sheegtay dowlada Ingiriisku ay diyaar utahay in ay sii wado la shaqaynta Somaliland iyo Soomaaliya “Waanu sii wadayna in aanu Somaliland iyo Soomaaliya kala shaqayno dimuquraadiyada, amaanka iyo horumarka”.

Hadalka Ford ayaa imanaya xili shalay baarlamaanka Ingiriisku ka dooday aqoonsiga Somaliland, iyadoo in badan xubnihii dooda ka qayb galay ay dowlada Ingiriiska usoo jeediyeen in ay aqoonsato Somaliland.