Iyado Manta Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya loo qeybiyay Xeerkii ay shalay meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee dalka loga mamnuucay Shirkadda DP World aya waxa ay manta qorshahodu aha in ay ka dodan.
Xildhibaanada ayaa maanta aysan u suurtagelin in ay ka doodaan Xeerka Shirkadda DP World ,maadaama ay ka hadleen Weerarkii lagu qaaday Guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Guddoonka Aqalka Sare ayaa warbaahinta u sheegay in maalinta Berri ah laga hadli doono kiiska Shirkadda DP World.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ay ka sameysay Soomaaliya,Waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay Soomaaliya.