Diyaarado Sun Ku Buufiyay Xoolo Badana Ku Laayay Gobolka Shabeelaha Hoose

Reading Time: < 1 minute

Wararka anu ka heleyno degmada afgooye ee gobolka shabelaha hoose ayaa shegaya in halkaasi dhowr Diyaaradood oo Helicopter’s ay sun ku buufiyeen xoolo ku dhaqan deegaano hoos yimaaada degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Wararka aya sheegaya in ku dhawaaad 600 oo neef oo ari ah ay diyaarahadaasi oo joog hoose ku duulayay ku buufiyeen deegaanka Miseerey ee duleedka degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha hoose.

Dhanka kale diyaaradaha sunta buufinayay ayaa la sheegay iney sido kale buufiyeen ilaa 6 dameer oo ay isticmaali jireen dad xoola dhaqata ah oo ku sugan deegaano katirsan gobalka shabeellaha hoose.

Wararkii ugu danbeeyay ee deegaanka ayaa in dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan mar kale iney diyaaradahaasi ka buuriyaan xoolahooda, oo inta badan u daaq taga tuulooyin hoos yimadaa Afgooye.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!