Diyaarado Duqeymo Ka Geystay Qeybo Ka Mid Ah Jubooyinka

Reading Time: < 1 minute

Saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ku sugan degmada Jamaamde ee gobolka Jubbada Hoose Ayaa sheegaya in ay duqeymo diyaarad oo isdaba joog ah ka socdaan degmooyin kamid ah Jubbooyinka.

Waxa ay shegeyn in meelaha ugu badan ee duqeymaha ka dhaceyn ay tahay Jilib , Bu’aale , Beerxaani iyo deegaano kale oo Jubbooyinka ka joogaan Al-shabaab.
Saraakiisha aya sheegay in la bur-buriyay saldhigyo ay kooxda Al-shabaab kaga sugnaayeen halkaasi laguna dilay inka badan labaatan kamid ahaa.
Todobaadki hoore ayay aheyd marki dhowr jeer oo is xig xiga waxaa diyaardo dagaal ay duqeeyeen degmooyin kamid ah jubada hoose oo ay jamaame kamid tahay halkaas oo la sheegay in lagu dilay saraakiil shabaab ah.