Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeeyay tuulooyin ka tirsan Ceelwaaq, G. Gedo

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo Gobokka Gedo, Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa saaka oo Arbaco ah duqaymo culus ka fuliyay tuulooyin iyo dhul miyi ah oo ka tirsan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.Wararku waxay sheegayaan in khasaare kala duwan ka dhashay duqaymahan inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin.

Ururka Al Shabaab ayaa bartilmaamsaday ama weerara deegaano ka tirsan dalka Kenya. Dowlada Kenya oo taa ka jawaabaysa  ayaa todobaadkan duqaymo dhawr ah ka fulisay Gobolka Gedo gaar ahaanna miyiga degmada Ceelwaaq kuwaas oo khasaare u gaystay dadka Rayidka ah.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin duqaymaha ka dhacay Gobolkaas oo Kenya sheegtay in lagu beegsaday Al-shabaab.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!