Diyaarad siday ciidan loo diray in ay soo qabtaan Sheekh Shakir oo Dh/Mareb ka degtay

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in halkaas laga dajiyey diyaarad siday ciidamo ka amar qaata RW Kheyre kuwaasoo xalay uu RW Kheyre amar ku bixiyay in ay soo qabtaan Sheekh Shaakir..

Ciidamadaan oo gaarayo ilaa 78 Askari oo ka tirsan Ciidanka Gor-gor ee Dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxay diyaarad ka qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Waa ay adag tahay in ay dagaal fool ka fool la galaan ciidanka Ahlu Sunna, balse waxaa la diyaariyay qorshihii lagu qaban lahaa Sheekh Shaakir kaasoo loo maleegayo in uu ka soo qeyb galo shir kaddibna isaga oo ay ilaaladiisa dibadda joogta sidaa lagu qabto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa loo xil saaray fulinta soo qabashada Sheekh Shaakir isagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gor Gor, waxaa ilo wareedyo ka tirsan xafiiska RW Kheyre ay noo sheegeen in Wasiir Sabriye uu khadka teleefanka kula hadlay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumadda Galmudug, waxaana uu kala hadlay sidii loo qaboojin lahaa xaaladda Magaalada Dhuusamareeb.

Xaalada magaalada ayaa saaka ah mid caadi ah oo ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ay socdaan, waxaana dhinaca kale la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo magaalada ka jira, kaddib markii saakay Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka xoogga dalka ee 21aad ay gudaha u soo galeen magaalada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!