Diyaarad sida Fahad Yasin oo Gedo u duushay

Fahad
Reading Time: < 1 minute

Agaasimaha hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa goordhow lagu wadaa in uu gaaro magaaladda Doolow ee gobolka Gedo, sidda ay MOL xaqiijiyeen ilo wareedyo.

Sida ay muujinayaan warbixinadda, Fahad oo ah mas’uulka ugu tunka weyn maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo ayaa ka qeybgalaya munaasabadda “isa soo dhiibida” Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubaland, kaasoo wadahadalo la galay Villa Soomaaliya.

Janan ayaa, sidda ay xoguhu caddeynayaan, wuxuu dalbadey in Fahad goobjoog ka noqdey u soo wareegitaanka dhanka dowladda waqtiga ka dhamaadey, maadaama isagu ahaa shaqsiga la gorgortamayey.

Fahad iyo Janan ay ku kulmi doonan goob sababo ammaan loo qariyey oo ka tirsan duleedka degaanka Buulo-xaawo, halkaasoo agaasimaha hay’adda NISA uu ku tagi doono baabuurta aan xabada karin ee shalay laga dejiyey magaalada Doolow.

“Fahad ayaa diyaarad ku tagay magaalada Doolow halkaasoo uu kasii qaatay baabuurta aysan rasaastu karin kuna gaaray Buulo-xaawo.

Iyaddoo Fahad Yaasiin aad loogu yaqaano in uusan kasoo muuqan shaashadaha, haddana ma cadda hadii Janan iyo saraakiisha taabacsan Madaxtooyadda Soomaaliya ee wadahadalka kula jiray ay warbaahinta la wadaagi doonan fahfaahin ku saabsan is-afgaradka ay qalinka ku duugeen.

Heshiiskan qarsoodiga ah ayay Villa Soomaaliya waxay dooneysaa in ay kusoo afjarto dooda khuseysa gobolka Gedo ee kamid ah caqabadaha hortaagan doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka. Hasa ahaatee, waxaanan la ogeyn qaabka ay Jubaland uga falcelin doonan talaabadaas.