Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Gedo, Garoonka diyaaradaha degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in waaberigii hore ee saakay halkaas ay ku dhacday Diyaarad.
Diyaarada soo dhacday ayaa lagu sheegay in nooceedu yahay 5Y-GRS. Diyaarada ayaa kasoo duushay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, isla markaana waxaa saarnaa Dad farabadan oo Rakaab ah, waxaana la sheegay inay lugaha u bixi waayeen, sidaasina ku dhacday. Dadka la socday diyaaradan ayaa waxaa la sheegay inay tiro ahaan gaarayaan ilaa 45 qof, kuwaasi oo kusii jeeday Degmada Elwak ee Ismaamulka Mandheera ee Kenya, taas oo 20-KM u jirta Ceel-waaq.
Wali la sheegin khasaaraha ka dhashay shilkaan diyaaradeed ee ka dhacay Garoonka diyaaradaha Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda.