Diyaarad Dagaal Oo Ciidamada Kenya Uga Burburtay Lamu

Reading Time: < 1 minute

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa diyaarad Helicopter ah oo ay lahaayeen Ciidamada Booliska Kenya, taas oo ku soo dhacday hawdka magaalada Boni ee Gobolka Xeebta ah ee Lamu.

Wargeyska The Standard ayaa daabacay in diyaarada MI 17 oo ay saarnaayeen Shan askari oo Ciidanka Kenya ah iyo laba duuliye ay ku dhacday degaan lagu magacaabo Haluuqo oo ku dhow Hawdka magaalada Boni, sababta waxa ay ku sheegeen in mid ka mid ah Matoorada diyaaraddu uu ciladoobay.

Suxufiyiinta tagay degaanka ay diyaaraddu ku soo dhacday, ayaa loo diiday in ay u dhawaadaan goobta si ay macluumaad uga helaan xaalada Askarta iyo duuliyeyaasha diyaarada  iyo Xadiga burburka diyaaradda, waxaana degaanka ay ku soo dhacday durbadiiba isku gedaamay ciidamada Kenya.

Diyaarada MI 17, waxa ay ka mid ah aheyd Saddex diyaaradood oo dowladda Kenya dhawaan ku soo dayac tiratay dalka Jamhuuriyadda Czech, Waxaana Kenya uga baxday 1.5 Billion oo lacagta Kenya ah.

Saraakiisha Lamu ayaa warbaahinta gudaha Kenya u sheegay in xilliga ay diyaaraddu soo dhaceysay ay ku gada jirtay hawlo la xiriira sugidda amniga, iyada oo u soo kuurgaleysay meelaha ay Boni ka joogaan Shabaabka Kenya ka dagaalama.

Diyaaradda burburtay ayaa sidoo kale qeyb ka eheyd laba diyaaradood oo Ciidamada Kenya u adeegsan jireen daabulidda khasaaraha soo gaara Askarta.