Dilka ka dhacay Af-gooye iyo xaalad kacsan oo ka jirta (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen nin oday ah oo ka mid ah dadka kunool Tuuladda Sagaalaad ee degmada Afgooye.

Ninka Odayga ah ee la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Cismaan Xaaji Qaasim.

Dilka ayaa dhacay Salaadii Cisha ka dib waxaana la toogtay xilli uu kasoo baxay Masjid ku yaalla Tuuladda Sagaalaad ee degmada Afgooye.

Kooxihi dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray Ciidanka dowladda Soomaaliya ee booliska, islamarkaana waxa ay bilaabeen howlgallo.

Dilalka loo geysanaayo dadka rayidka ah ayaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo kordhay Magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose.