Dilalka Qorsheeysan oo Afgooye kusoo batay + Haweeneeyn iyo Askari la dilay

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan ay toogteen askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dilka ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay Idaacada Maanta u sheegeen in uu ka dhacay Suuqa ugu weyn degmada Afgooye ee Hilwaaley  ,waxana sidoo kale rasaastii lagu riday askariga ku geeriyootay Haweeney ka mid aheyd Shacabka Afgooye.

Askariga ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya,waxana durba goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyey dilkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta dilka ka dhacay gaaray kuwaas oo soo qaaday meydka askariga,waxana wararkii u dambeeyey ee haatan nasoo gaaraya ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay weli howlgal ka wadaan xaafadaha degmada Afgooye.

Taliyaha Saldhiga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay  dilka uu dhacay gelinkii dambe ee Maanta uu ka dhacay degmadaasi Afgooye

Wuxuuna Sheegay Taliyaha Saldhiga degmada Afooge ee Gobolka Shabeellaha Hoose In Hadda Ciidamada Ammaanka ay sameenayaan howlgalo Lagu Baadi Goobayo Raggii dilka ugeeystay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ruux Shacab ah oo Halkaasi ku sugnaa

sidoo kale Taliye C/laahi Muuse ayaa inoo sheegay In Xaalada Goobta ay Dilalka ka dhaceen ay tahay mid dagan Wuxuuna Carabka ku dhuftay iney soo qaban doonaan kooxihii geeystay Falkaas ayna ku raadjoogaan

sikastaba ha ahaatee mahan markii ugu horreeysay oo ay Dilal Nuucan oo kala ah ayka dhacaan Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!