iyadoo ay magaalada muqdisho ay ka dhacaan dilal dhowr ah maalinkii hadana waxaa jira qaar badan oo anan laga war heeyn sababta keentayna ka warheeyntaasi ayna tahay in aysan shacabku ku kicin ddowladda maadaama ay ku fahsilantay sugida amaanka guud ahaan dalka gaar’ahaan amaanka caasimada dalka.
dowladda ay horkacaan farmaajo iyo kheyre ayaa waxa ka muuqata habac sanaan dhanka sugida amaanka taasi oo keentay in inta badan shacbiga soomaaliyeed ay kala laabtaan kalsoonidii ay ku qabeen dowladda haatan jirta.
xogo ay aruurisay MOL ayaa cadeeynaya in maalinkii magaalada muqdisho uu ka dhaco 7 ilaa iyo 9 dil taasi oo muujineysa in amaanka magaalada muqdisho uu faraha kasii baxayo
sikastaba ha ahaatee dowladda haatan jirta waxa ay ku fashilantay sugida amaanka shacabka soomaaliyeed taasi oo muujineysa masulliyad darada hogaamiyeyaasha dowladda jirta