Dilalka Qorsheeysan Ee Muqdisho ka Dhacaaya oo sii Xoogeeystay

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya degmada Hilliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Xalay gudaha degmadaasi lagu dilay Haweeney ka mid aheyd dadka degaanka.

Dabley hubeysan oo ka koobneyd laba Dhalinyaro ah ayaa Haweeneydan waxa ay ka toogteen qeybta sare ee jirkeeda, kadiba goobta ayay ka baxsadeen.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa inoo sheegay Dilka Haweeneydan inuu si gaar ah uga dhacay agagaarka Shaneemo Cabdi Waayeel.

“Walaahi Maqribnimadii caawa ayuu dilka dhacay, Haweenyda waxay ka mid aheyd ururka Haweenka degmada, ilaa hadda magaraneyno sababta loo dilay.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay tageen goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaanada la xiriira sida uu falkan u dhacay.