Dilalka muwaadiniinta Soomaalida ee ku dhaqan Koonfur Afrika oo sii badanaysa

Reading Time: < 1 minute

Sida ay noo sheegeen dad ku sugan dalka Koonfur Afrika, Koox hubeysan oo lagu sheegay in ay yihiin burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd deegaan hoostega Magaalada Tzaneen oo ku taalla Gobalka Limpopo ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada kunool Koonfur Afrika.

Warka ayaa intaa ku daraya in Muwaadinka oo magaciisa lagu soo gaabiyey Axmed lagu toogtay degaan lagu magacaabo Ga-mawa Block 7 oo 57,2 KM  u jira Magaalada Tzaneen ee ku taalla Gobalka Limpopo ee Koonfur Afrika. Muwaadiniin Soomaali ah oo goobta uu falku ka dhacay ka Agdhawaa ayaa tilmaamay in Axmed lala dilay Gabar Koonfur Afrikaan ah oo u shaqeyneysay, waxaana weerarka lagu dilay labadooda uu ka dhacay afaafka hore ee goob Ganacsi oo ay lahaayeen.

“Dukaanka waa ay dheceen, waana carareen, Ciidamada Booliska ayaana Baaritaano wada hadda” ayuu yiri  Axmed Cismaan oo kamida Ganacsatada Soomaaliyeed ee degan halka weerarka ka dhacay, waxaana xusid mudan in falkaas uu ka badbaaday Wiil kale.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa durbo tagay halka uu dilka ka dhacay, iyagoona sheegay inay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyay falkaas oo durbadiiba goobta isaga baxsaday.

Nasiib xumo ka jirto dowlad Soomaaliyeed ama safaarad isku mashquulisay in ay ka hadasaho ama ay caawiyaan muwaadiniinta Soomaalida ee halkaas ka ganacsata.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!