Waxaa sii kordhaysa dilalka loo gaysto muwaadiniinta Soomaalida ee ku ganacsada kuna nool dalka Koonfur Afrika. Kooxo Burcadka madoowga Koonfur Afrika ayaa waxaa ay Gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.
Iyada oo dhowr asbuuc ka hor lagu dilay dad Soomaaliyed magaalada Cape Town ayaa hadana waxaa la dilay will lagu Magacaabi jiray C/Fataax Axmed Oogle Goob Ganacsi oo ku taalla degaanka Krainfontain oo ka tirsan Magalada Cape Town ee Wadanka koonfur Afrika, iyaga oo dhowr xabood ku dhuftay,isla markaana isla goobta uu ku geeriyooday.
Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu sheegay in muwaadinka la dilay uu dalkaasi ku noolaa muddo dhowr sano ah,isla markaana raggii burcada ah ee ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen, iyada oo Meydka Muwaadinka Soomaaliyeed Goobta ay ka qaadeen qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida oo deris la ahaa Ninka la dilay.
Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dalka Koonfur Afrika weli kama hadlin dilalka joogtada ah ee dalkaas loogu geysanayo Soomalida,waxaana soo badanaya walaaca ay qabaan dadka Ganacsi ahaan u tegay dalka Koonfur Afrika.