Dilal qorsheysan oo xalay ka dhacay degmada Dhuusameeb

Reading Time: < 1 minute

Sida uu soo tabiyay wariyaheena ku sugan magaalada Dhuusamareeb, koox hubaysan ayaa xalay dad ku laayay gudaha magaalada dhuusamareeb ee xarunta Gobbolka Galgaduud.

kooxdaan hubaysan oo ku lebbisan dharka ciidanka, ayaa rasaas huwiyay dad ku sugnaa maqaaxi ku taal Dhuusamareeb, waxaana weerarkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Saddex ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, waxaana goobka ka baxsaday dableydii weerarka fuliyay.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas sidoo kale weli kama hadlin mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!