dilal qorsheysan oo lala beegtay dad shacab oo degan duleedka Goldogob

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Gobolka Mudug, Koox hubaysan ayaa dad shacab ah xalay ku laayay baadiyaha degaanka lagu magacaabo, Dhagxanya-cadde oo ku dhow degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Warka ayaa intaas ku daray, in labo nin oo kamid ah xoola-dhaqatada miyiga Dhagxanya-cadde ayaa ku dhintay weerarka, halka mid kalena ku dhaawacmay. Weerarkan oo la rumaysanyahay in uu la xiriiro aanooyin qabiil, ayaa kooxda fulisay ka yimaadeen dhinaca koonfurta Gaalkacyo.

Dilalkaas foosha xun ayaa waxaa ka dhashay xiisad, taas oo maanta walwal ka abuurtay gobolka Mudug iyo deeganada ku dhaw-dhaw.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!