Dilal Qorsheeysan oo Mudo Kusoo Batay Iyo Wasaaradda Amnigga oo Afkii Juuqda Gabay

Reading Time: < 1 minute

Kooxo Hubeysan ayaa goordhow magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen Abdi Fagaase oo ahaa gudoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir.

Marxuum Fagaase, ayaa waxaa toogasho ku dilay labo ruux oo  bastoolado  ku hubeysnaa kuwaasi oo Rasaas kala dhacay qeybaha sare ee jirkiisa, sida ay Warbaahinta  u Xaqiijiyeen dad ka ekdhawaa halka uu dilku ka dhacay caawa.

Marxuum Fagaase oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ay aad u yaqaaniin Bulshada Degmada Xamarweyne, ayaa waxaa lala dilay wiil dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Axmed,  kaasi oo la socday Gudoomiye Waaxeedka la dilay.

Ciidamada Dowlada oo goobta gaaray ayaan ku guuleysan inay gacanta ay ku soo dhigaan Kooxihii dilka geystay ,waxaana dilkaan uu ku soo beegmayaa xili Magaalada  uu Ruxayo Khilaafka Golaha Sharci-dajinta Soomaaliya oo Wadooyinka Qaar loo Xiray.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!