Dilal lala xiriiriyay aano qabiil oo ka dhacay degaano hoostaga degmada Warshiikh

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegyaaan wararka  naga soo gaaraya degmada Warshiikh ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay weerar lagu dilay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka. Weerarka oo ay fuliyeen rag hubeysan oo Maleeshiyaad ah ayaa waxaa uu ka dhacay degaan lagu magacaabo Filla-dheere oo hoostega Warsheekh ee Maamulka Hirshabeelle, waxaana falkaas dhacay kasoo baxaya faah faahino.

Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayal, laba nin oo kamid ahaa dadka deegaanka Filla-dheere ayaa lagu dilay weerarka, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Ismaaciil Maxamuud iyo Cabdllaahi Maxamed Axmed oo loo yaqaanay Jeego.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta  ayaa u sheegay in weerarka lagu dilay ragga uu la xiriiray aanooyin qabiil oo horey u dhacay, isla markaana waxaa si deg deg goobta dhul-howd ah ugu baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas dhacay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!