Dilal lagu beegsaday dhalinyaro oo xalay Muqdisho ka dhacay

Reading Time: < 1 minute

Habeenkii xalay ahaa waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya dilal kala duwan loogu gaystay Wiilal dhalinyaro ah, kuwaasi oo la sheegay in ay dilal kooda ka dambeeyeeyn Burcad hubeysan, waxaana aksoo baxaya Faah faahhino dheeraad ah oo ku aaddan dilalka xalay loo gaystay Wiilashaasi dhallinyarada ahaa.

Sida ay sheegeen Goobjoogayaal, Dilka 1aad ayaa loo gaystay Wiil dhallinyaro ah oo Magaciisa lagu soo koobay Nuuradiin, waxaana lagu dilay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan, iyadoo wararku ay sheegayaan in dilka uu gaystay Nin Askari ah kaasi oo tooogtay Wiilka, waxaana wararku intaasi ku daraayaan in goobta uu isaga baxsaday goobta.

Koox hubeysan oo aaan haybtooda la aqoon ayaa sidoo kale xalay fiidkii Wiil dhalinyaro ah waxaa ay ku dileen xaafadda Hanta Dheer, waxaana wiilka la dilay lagu magacaabi jiray Jibriil Aadan Cabdulle, kaasi oo ka mid ahaa sida la sheegay dhallinyarada Xaafaddaasi, waxaana wararku intaas ku darayaan in kooxda hubeysan ay dilka kadib marxuumka ka qaateen taleefonkiisa gacanta, iyagoo goobta isaga baxsaday dilka ka dib.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha ammaanka ee Gobolkani Banaadir oo ay kaga hadleen dilalka xalay Muqdisho siyaabaha kala duwan kaga dhacay, waxaana wararku ay sheegayaan in maydkii la geeyay Xarunta Hay’adda dambi-baarista CID-da.