Dilal kala Duwan oo Muqdisho ka dhacay!!

Reading Time: < 1 minute

War goordhaw naga soo gaaray gudaha degmada Yaaqshid ayaa ku waramaya in halkaasi lagu toogtay laba ruux oo mid kamid ah uu ahaa askari katirsan ciidama dowladda soomaaliya,Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu dilkaasi u dhacay, iyo cida ka danbeysay intaba.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in laba ruux uu mid kamid ah ahaa askari katirsanaa ciidanka dowladda in goordhaw lagu dilay agagaarka Isgoyska Hoteel Fiiq ee degmada yaaqshid.

Ilo hoose oo xog ogaal ah laguna kalsoonaan karo ayaa Simba u sheegay in dilka kadib Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ay gaareen goobta, halkaasi oo ay ka kaxeysteen ilaa afar ruux oo la sheegay iney uga shakiyeen ku lug lahaan shaha dilka askariga katirsanaa ciidama dowlada ee lagu toogtay muqdisho.

Laamaha amniga ayaa Warbaahinta  u xaqiijiyay dilka askariga, waxeyna inoo shegeen iney jirto dad loo qab qabtay iney ka danbeeyeen dilkaasi,inkasto ay ka gaabsadeen iney noo sheegeen tirada dadka la qabtay.

majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka askariga iyo wiilka dhalinyarada ahaa ee la sheegay inuu kamid ahaa dhalinta nacam-leeyayaasha loo yaqaan ee lacagta ka qaada gadiidka BL-ka ee dadka ay raacaan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sido kale sheegaya goobta uu dilka ka dhacay iney isku gadaameen ciidamo katirsan dowladda oo dadka iyo gadiidka u diidaya isticmaalka Isgoyska Hoteel Fiiq.