Askari ka tirsan Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qof shacab ah ku dilay mid kalana ku dhaawacay magaaladda Muqdisho.
Falkaan ayaa ka dhacay Agagaarka Isgoyska Tarabuurka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal askariga iyo labadda qof ee shacabka ah waxa soo kala dhexgalay muran taasi oo keentay in askariga uu toogasho geysto,islamarkaana uu goobta ka baxsado.