Sidda ay MOL u xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Boondheere haweenay la sheegay in ay ka mid aheyd dadka degaanka.
Qaar ka mid ah dadka kunool Boondheere ayaa MOL u xaqiijiyay in Haweenayda la dilay ay ka mid aheyd ergaddii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Koox Bastoolado wadatay ayaa toogtay Haweenayda ka dibna waxaa la sheegay in ay baxsadeen.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaa kusoo batay dilalka Qorsheysan.