Dilal kala duwan oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Reading Time: < 1 minute

Labo ruux oo hubeysan ayaa degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxa ay caawa ku dileen Labbo qof oo mid uu ahaa shacab halka midka kalana uu ka tirsanaa Ciidamada Nabad sugida Qaranka sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in magaca shaqsiga Nabad Sugida ahaa ee la dilay uu ahaa Axmed Nuux sida ay MUQDISHO ONLINE wararka ku heleyso waxaana la dilay xili ay fadhiyeen Maqaayad laga shaaheeyo oo ku taalla agagaarka Isgoyska Fagax ee Degmada Yaaqshiid.

Axmed Nuux ayaa durbadiiba loola cararay Isbitaal ka ag dhawaa goobta balse goor dambe uu ku naf baxay waxaana la sheegayaa in ruuxa shacabka ahaa uu isla goobta ku geeriyooday.

Ciidamada amaanka ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaaray iyagoo halkaasi ka bilaabay baaritaan ay ku baadi goobayaan ragga dilka geystay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!