Dilal caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo horay loogu dilay magaalada Gaalkacyo Marxuun Cali Dhiif ayaa wararka ka imaanaya  magaalada Gaalkacyo caawa sheegayaan in dilal dheeraad ah ay caawa ka dhaceen magaaladaas.

Warkaan oo si hordhac ah u soo gaaray Xafiiska MOL ee Garowe ayaa sheegayo  in dad kale  lagu dilay caawa  duleedka Gaalkacyo. Dilka ayaa la sheegaya iney geysteen maleshiyaad hubeysan oo ka careysan dilkii Cali Dhiif. Wali lama xaqaajin dilalkaan iyo qaabka au u dhaceen.

Wixii soo kordha gadaal ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.