Kooxa ku hubeysan bistoolado ayaa caawa Xaafada Xawatako ee magaalada Baladweyne gaaar ahaan laanta Nuurxawaad ku dilay nin shacab ah oo lagu sheegay magaciisa Toortoor.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobtii ay dilka ku geysteen isaga isku dayay inay isaga cararaan. Dad shacab ah ayaa kadaba cararay dableeydii dilka geeysatay si ay u soo qabtaan laakiin dableydii dilka geysatay ayaa bilaabay ineey Bam gacmeed dadka isaga Rebaan.
Lama garanayo cida wax ku noqotay bam-gacmeedka ay soo tuureeen dableydaas. Ciiidanka amaanka wali kama hadlin dhibkaas caawa ka dhacay Baladweyne.