Dil Naxdin-leh oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar (FAAH-FAAHIN)

Reading Time: < 1 minute

Dilkaan oo aad looga naxay ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay suuq lagu iibiyo jaadka (Qaadka) oo ku yaalla Magalada Jowhar,waxaana geystay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Askariga ayaa xabad ku dhuftay Gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay Sideed Sanno jir taas oo ka mid ahayd carruur munaasabada ciidda awgeed u tegay magaalada Jowhar.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Jowhar ayaa MOL waxa ay u sheegeen in Gabadhaas waqti yar kaliya ay ku sugneyd Magalada Jowhar kana tagtay Muqdisho si halkaasi ugu ciideysato.

Dilka kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hir-Shabelle ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay,iyaga oo Saldhiga Jowhar dhigay askariga dilka geystay.