Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Naxdin leh oo Caawa ka dhacay xaafadda Tookiyo Ee Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banaadir kaasi oo loo geeystay wiil dhalinyaro ah oo caan ka ahaa xaafadaasi.
Sayid cali Waxaa lagu sheegay Da’diisa in uu jiray 25-sano waxuuna ka mid ahaa dadka sida weeyn looga yaqaan xaafadda Tookiyada Degmada yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,Dhaawac Culus oo soo garay ayuu u geeryooday kolkii la geeyay isbitaalka
Wiilkaani ayaa sida ay Warbaahinta u sheegeen Reerkiisu waxaa uu qabay Xanuun Mar mar kusoo boodo kolkii uu xanuunkaasi qabtay waxaa uu kusoo cararay Gurigooda,ka dibna waxaa arkay Ehelkiisa asigoo dhaawac ah lama la yaqaan ilaa hadda Cid u geeysatay
Ciidamo Ka tirsan Maamulka Degmada yaaqshiid ayaa gaaray halka falku ka dhacay waxeeyna Xireen qaar ka mid ah dhalinyaradii ka agdhaweed Goobta kuwaasi oo la tuhmaayo in ay Dilkaasi Tooreeyda ah geeysteen