Dil ka dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya Xaafada Kaawa Godey ee gobalka Banaadir Waxaa halkaasi ka dhacay dil la sheegay in uu gaystay qof hubaysan

Goobjoogayaal ah aan la hadalnay  ayaa sheegay in dilkaas uu dhacay loona geystay qof rayid ah laakiin anay sheegi Karin sababta ka dambaysay goobtana ay soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda fedraalka Soomaaliya,kuwaasi oo meeydka qaaday

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo aan la xiriirnay ayaa iyana waxa ay dhankooda sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan dilkaas,

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo batay dilalka qorsheeysan ee loo geeysanaayo dadka Rayidka ah Ciidamadda amniga oo Goob walbo jooga