Dil Ka Dhacay Muqdisho iyo Gudoomiye Dagmo oo Darawalkiisa La Dilay

Reading Time: < 1 minute

Darawalki gaariga gudoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir oo magaciisa lagu soo koobay Cabdi qaadir Carab ayaa lagu dilay ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Wararka naga so garayo magaalada Muqdisho aya shegaya in ex-control Afgooye ee Muqdisho lagu dilay ruux magaciisa lagu shegay Cabdi qaadir Carab.

Ninkan la dilay ayay wararku sheegayan in uu darawal u aha Gudoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxana la shegay in dilkiisa uu ka danbeyay nin istaaf u aha gudoomiyaha degmada kaxda ee Gobolka Banaadir iyado la shegay in dilka uu yimid kadib muran labadooda dhexmaray.

Askariga ilaalada u aha gudomiyaha degmada Kaxda aya la shegaya in ay gacanta ku dhigeyn ciidankii halkasi ku sugnaa hatana uu ku xiran yahay saldhiga degmada waabari.