iyada oo ay ku soo badanyaan dilalka magalaada Boosaaso aya Alle ha naxariistii Sharma’rke Axmed Waaberi oo ka tirsanaa ciidamada booliska gobolka Bari, gaar ahaa saldhiga Mijir ee magaaladda Bosaso ayaa caawa lagu dilay magaaladda Bosaso.
Sida la sheegay rag hubaysan ayaa xiligii lagu jiray Salaadii cishe, rasaas ku furay Gaari nooca Brobox loo yaqaan oo ay saarnaayeen Askari dhintay iyo labo Askari oo kale, Gaariga ayaa marayay isgoyska Banaadir oo ah mid mashquul badan, baabuurtuna ku badan tahay
Weerarkasi waxaa sidoo kale dhaawac fudud ka soo gaaray askari Kale. Ma jirto kooxo sheegatay weerarkaasi lagu dilay Askariga, Sidii kale ma jirto war ka soo baxay dhinaca taliska ciidanka Booliiska ama maamulka Gobolka Bari.
Magaaladda Bosaso waxaa haatan ku sugan Wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Galan, Taliyaha Ciidamada booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse iyo saraakiil kale, Waxa kaloo magaalada ku sugan ciidamo tiro badan oo magaaladda loo geeyay inay sugaan amniga iyo xasiloonida.