Dil caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho!!!

Reading Time: < 1 minute

Sidda ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxo hubeysan ayaa Maanta Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dilay ruux ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Suuqa.

Waxaa uu dilku ka dhacay Bartamaha Wadada Isgoyska Suuqa Bakaaraha, waxaana la dilay nin dhalinyaro ah.

Koox Bastoolado wadatay ayaa toogtay Ruux dhalinyaro ah ka dibna waxaa la sheegay in ay baxsadeen.

Sidda ay inoo xaqiijiyeen  dadkii goobta ku sugnaa ruuxa la dilay ayaa ka mid ahaa dadka ka shaqeysta Basteejadda Isgoyska Bakaaraha ee baabuurta rara.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaa kusoo batay dilalka Qorsheysan.