Dil Argagax leh oo Galabta mar kale ka Dhacay isgooska Baar Ubax ee Muqdisho

Reading Time: < 1 minute
Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa si arxan la’aan ah  ku dilay wiil arday ah oo ka soo baxay iskuul oo saarnaa Mooto Bajaaj.  Toogashada ayaa dhackday isgooska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.
Askariga dilka geysaty ayaa la sheegayaa inuu ka tirsanaa ciidanka dhawaan lagu soo tababaray dalka Eritereeya. Askariga oo saarnaa gaari ayaa u dulqaadan waayay saxam gawaari badan oo saf ku jiray.
Muddo 10 maalin gudaheed waxaa Muqdisho lagu dilay 4 qofood oo sadax kamid Ah ay ahaayeen mooto bajaaj. Ciidanka dowladda ayaa dib usoo celiyay dhaqanka dilka ee inay laayaan shacabka Muqdisho.
Waxaa muuqata in Ciidanka DOwladda ay yihiin kuwa xabadda u siticmaala sidii ul oo Bajaajle ama qofkii ay isqabsadaanba ku rida, waana wax aan loo dulqadan karin. Madaxda dowladda ee xaaladda ka amusant waxay lugaha la geli doonaan xaalad ay xallinteedu adkaan karto.
Dilka loo geysto dhalinyarada iyo kuwa ka shaqeeysta baajaajka ayaa si joogta ah loogu ugaarsadaa magaalada Muqdisho iyada oo ayan jirin cid xil iska saarto, gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir.

Arrinkaan waa arrin muhiim ah oo la rabo in xal loo helo. Haddii qisaasta lagu fuliyo dhowr qof waxaa aad hoos ugu dhacay falalka dilka ee Xamar caadiga ka noqday. Ma jiro toddobaad aadan idaacaha Xamar ka maqleyn bajaajle miskiin ayaa askari ka tirsan ciidanka dowladda dilay.

Cidamadana dhallinyarada ah waa in lagu tababaraa in qoriga aysan u sidan shacbiga  inay ku dhibaan, kuna cabsiyaan iyo ciddii ay is afdhaafaan ee qoriga loogu talagalay cadowga dalka iyo dadka wax u dhimaya, waana arrin wacyigelin iyo amaarro dabagal u baahan.

Sidoo kale taiyayaasha ayaa laftigooda masuuliyadda la rabaa inay wax ku yeeshaan oo ay ciidanka ku siiyaan meel fagaare ah waajibaadyo cad cad oo aan mugdi ku jirin si falalka khaldan ay qofka geystay ugu koobnaadaan.