Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay magaalada muqdisho ka wadaan diiwaangelinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha, kuwaas oo la siinayo shahaadada musharranimo hadii ay buuxiyaan shuruudaha laga rabo.
Xubnaha Guddiga oo ku Shaqeeynaya Xarunta Aqalka Sare ayaa shalay diiwaangeliyay 10-kii musharrax ee ugu horreeyay, kuwaas oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, waxaana maanta markale socota diiwaangelinta Musharrixiinta.
Musarrixiinta Maanta bilaabay in la diiwaangeliyo ayaa waxaa kamid ah Musharrax Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan iyo musharrixiin kale, kuwaas oo dhameystiray shuruudihii looga baahnaa.
15-ka Bishaan ayaa qorshuhu yahay in Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya si looga baaqsado in dib u dhac kale ku yimaado doorashada Soomaaliya.