Siyaasi Cabdi Raxmaan Diinaari oo ka mid ah siyaasiyanta soomaaliyeed ayaa ka hadlay xiisada adag ee maalmahan ka dhex taagan Dowlada Dhexe iyo Dowlad Goboledyada Dalka.
Waxa uu wax laga xumado ku tilmamay in Waqtigan ay isqabqabsi iyo kala aragti duwanaan ay soo kala dhexgasho Madaxda Dowlad Goboledyada iyo Dowlada Dhexe,
Siyaasiga oo la hadlay Warbaahinta aya taageeray Xal ka gaarista Qilaafka taagan,waxana uu madaxda Dowlad Goboleedyada ugu baaqay in ay qaataan Go’aan La mid ah kan Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Amp- Diinaari ayaa sido kale ka hadlay xiisadaha ka taagan Maamulka Galmudug, waxa uu sheegay in Galmudug ay ka jiraan dhibaatoyin badan oo soo lab laabtay,isago sheegay in ay ka duwan yihiin Maamulada kale ee Dalka Ka Jira.
Waxa uu ugu baaqay in xal waara laga gaaro dhibatoyinka iyo isqab qabsiga taagan,iyo in odayaasha dhaqanka ay arintasi dhex galaan si aayaha dadka dega Deganada Galmudug looga arimiyo.
Xubno ka socda Aqalka Sare ee Dalka aya ku sugan Deganada Maamulada Dalka,si loo xaliyo Qilaafka xoogan ee u Dhaxeeya Maamulada iyo Dowlada Dhexe ee Dalka.