MW Farmaajo oo ay gadaal ka riixayaan RW Kheyre iyo Wasiir Jamal Maxamed Xasan ayaa aad ugu ololeynayay in Ergayga Gaarka ah ee QM laga dhigo haweeney u dhalatay dalka Norway, iyagoo diidadanaa magacaabidda James Swan oo loo magacaabay ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Bishii May 30, 2019, taasoo dhalisay kala qeybsanaan siyaasadeed oo aad u fogaatay ka dhex jirtay RW Kheyre iyo MW Farmaajo.
MW Farmaajo ayaa aaminsan in RW Kheyre iyo Jamaal ay ku cadaadiyeen in uu taageero magacaabidda haweeneyda u dhalatay Norway waxayna ku qanciyeen in haddii uu isaga taageero ay heleyso magacaabistaas, balse taa ma dhicin oo hadda MW Farmaajo wuxuu taagan yahay shalaay in uu qaato talada Kheyre iyo Jamaal sida ay MOL u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada JFS.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeyneysa xukuumadda Washington in Qaramada Midoobey ay ku cadaadisay magacaabista Diblomaasiga Mareykanka ah si ay u ilaashato danaheeda dalka ee shidaalka hodonka ku ah ee Soomaaliya.
James Swan, oo ah khabiir diblomaasiyadeed oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa horay u soo noqday danjiraha Mareykanka ee dalalka kala ah; Djibouti, Somalia iyo Congo-Kinshasa intii uu Barack Obama ahaa Madaxweynaha Mareykanka ,waxaana magacaabistiisa ergeyga Qaramada Midoobey gadaal ka riixayay Donald Yamamoto, oo ah danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.
Diblomaasiyiin ku jira gudaha Qaramada Midoobey ayaa u sheegay Wargeyska Africa Confidential. Yamamoto oo la soo shaqeeyay Madaxweynayaashii kala ahaa George W. Bush iyo Bill Clinton, soo noqday danjiraha Mareykanka ee dalalka Djibouti iyo Ethiopia.
Yamamoto, ayaa hormariyay siyaasad xulufeysi ah oo uu ka hirgeliyay dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, halkaas oo la xaqiijiyay in ay ka mid yihiin meelaha uu ceegaago shidaalka Soomaaliya,kuwaas oo Xukuumadda Muqdisho ay ku soo bandhigtay Magaalada London Bishii February ee sanadkan.
Mareykanka waxaa uu sidoo kale gacanta ku hayaa saldhigga Ciidanka cirka ee Balli doogle, halkaas oo uu ka fuliyo tababarro uu siiyo ciidanka Soomaaliya, weerarrada ka dhanka ah AL-shabaabna laga abaabulo.
Saraakiil Ingiriis aha ayaa Donald Yamamoto ka codsaday in saldhigga uu dhisay Midowgii Soviet ee Balli doogle ay wadaagaan Ciidamada labada dal, saldhiggaas oo leh 3.2km oo run way ama halka ay diyaaradaha ka haadaan laakiin Yamamoto ayaa diiday codsiga Ingiriiska.
Sanadkii la soo dhaafay Baydhaba oo ah caasimadda KMG ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya waxaa ka dhacay muran siyaasadeed horseeday dhimashada dhowr iyo toban qof taas oo ka dhalatay xariggii Mukhtaar Roobow, kaas oo ciidanka Itoobiya ay ka xireen Baydhaba, Roobow waxaa uu ka dhashay Raxanweyn gaar ahaan Leysaan, waxaa uu ka mid ahaa aas aasayaasha Al-shabaab, sidoo kalena in badan maamulayaya hareeraha Baydhaba, ilaa uu dowladda isu dhiibo sanadkii 2017kii.
Doorashadii Koofur Galbeed oo uu isu taagay Roobow waxaa diiday xukuumadda Muqdisho,madaxweyne Farmaajo ayaa amray xariggiisa,si uu doorashada ugu guuleysto C/Casiis Lafta Gareen oo ah Raxanweyn, Hariin ah, laakiin hooyadiis ahaa ah Daarood gaar ahaan Mareexaan oo ah qabiilka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo .
Doorashadiisii kaddib Germany iyo Ingiriiska ayaa mushaarka ka goostay Booliska Koofur Galbeed iyaga oo ka xun sida ay wax u dhaceen, laakiin dowladda Mareykanka ayaa buuxisay booskoodii waxaana ay xiriir dhow la yeelatay Maamulka Koofur Galbeed ee hadda jira.
Mid ka mid ah khasaaraha ugu weyn ee Xariggii Mukhtaar Roobow waxaa uu ahaa eryiddii wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom, oo u dhashay Koofur Afrika, Haysom kali kuma ahayn in Roobow loo arki karay Buundo ama Kaabad loo mari karay Al-shabaab.
Dad badan ayaa aamisan in António Guterres, uusan Haysom ka difaacin Farmaajo oo amray in uu dalka isaga baxo.
David Concar,danjirihii hore ee UK ee Soomaaliya waxaa uu saaxiib dhow la ahaa Roobow, inkasta oo hareeraha Roobow ah buuxeen Islaamiyiin iyo Salafiyiin badan, haddana waxaa loo arkayay Nin ay siyaasad badan ku xeerantahay.
Raggii uu beddelay Haysom ee kala ahaa ; Nicholas Kay iyo Michael Keating, waxaa ay wada ahaayeen Ingiriis, waxaana ay ka shaqeynayeen intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2018, muddadaas London waxaa ay ahayd awoodda Soomaaliya ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ,waxaana ay sidoo kale dowladda Ingiriiska maalgashi badan ku sameysay Soomaaliya.
Yamamoto, ayaa ayaa ku guul dareystay in uu abuuro xiriir wanaagsan oo kala dhaxeeya Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka mid ah Wasaaradda Batroolka Soomaaliya gaar ahaan Wasiirkeeda C/Rashiid Maxamed Axmed, kaas oo sharciga Batroolka Soomaaliya horgeeyay golaha shacabka islamarkaana ay meel mariyeen inkasta oo Soomaali badan ka hor timid sida xubnaha dowlad Goboleedyada.
Kheyre mar waxaa uu ahaa madaxa Sharikadda Som Oil and Gas,waa sharikad laga leeyahay Ingiriiska,waxaana guddoomiye ka ahaa Lord Michael Howard, 2013kii ayey sharikaddaasi heshay ruqsadda ah in ay shidaal ka baari karto 60km2 oo Soomaaliya ka mid ah.
Yamamoto, ayaa uga sii daray kala qeybsanaanta ka jirta siyaasadda Soomaaliya, ee la xiriirta diidmadiisa Roobow, waxaa uu kala qeybiyay qabiilka Leysaan ee Baydhaba, waxaana uu diblomaasiyadda Mareykanka isbahaysi uga dhigay Baantuuga,waxaa uu soo dhaweystay qabiilka ugu weyn Gobolka Shabeellaha hoose ee Hawiya, gaar ahaan Abgaal iyo Habargidir, si uu cabsi u geliyo maamulka deriska la ah ee Jubaland ,halkaas oo ay doorashooyinka ka dhacayaan August.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu wasiirka Gaadiidka Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar la doonayo xilka Madaxweynaha Jubaland, si meesha looga saaro Axmed Madoobe.
Yamamoto, waxaa uu ahaa mid ka mid ah xubnihii abaabulay shirkii Garowe ee fashilka ku dhamaaday waxaa uu Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre cadaadis ku saaray in ay ka qeybgalaan shirkaas, iyada oo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada uu sii xumaanayay.
Sidii la filayay wadahadalladii ayaa fashilmay, Puntland iyo Galmudug ayaa soo saaray in ay hakiyeen wada shaqeyntii Xukuumadda Muqdisho, Jubaland ayaa fashilka shirka dusha u saartay dowladda dhexe laakiin kuma dhiiran in ay hakiso wada shaqeynta .
Murankii ka dhashay eryidda Haysom, waxaa ay sababtay in shan bilood kaddib la soo xuso qofkii beddeli lahaa si xasillooni siyaasadeed looga gaaro Soomaaliya, laakiin fashilkii shirka Garowe ayaa Farmaajo iyo Kheyre ku reebay afkiibaa juuqda gabay, waxaana ay isbabaysiga uu Yamamoto la sameystay Koofur Galbeed iyo xubno ka mid ah Wasaaradda Batroolka aysan arkayeen in uu difaaac dhameystiran u noqon karo xukuumadda Muqdisho.
Iyada oo ay xaaladda sii xumaaneyso , magacaabista Swan waxaa ay isu keened xawaare ku socota siisay mucaaridka Soomaaliya, kaas oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya.
Billowgii qorashada qofkii beddelilahaa Haysom, waxaa miiska la saaray diblomaasiyiin aan wax aqoon ah u lahayn Soomaaliya iyo xitaa Qaramada Midoobey, waxaana musharrixiintaas ka kala socdeen Mareykanka, Norway, Canada iyo Turkiga.
Bilowgii May waxaa soo baxday in la soo wado diblomaasiga Canadianka ah ee Jarat Chopra, kaas oo qaramada Midoobey kala shaqeynayay arrimaha Soomaaliya tobanaankii sano ee la soo dhaafay qibradna u leh Soomaaliya, waxaana uu gudaha ku lahaa xubno taageersan sida dowlad Goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya.
Todbaad kaddib shirkii Garowe, Mareykanka ayaa soo farageliyay si xoog iyo jujuub ahna Guterres, u sheegay in diblomaasiga Mareykanka ah la magacaabo.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre, ayaa walaac weyn u muujiyay Antonio Guterres magacaabista diblomaasiga Mareykanka ah in uu hoggaamiyo xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Xukuumadda Nairobi ayaa haddana isku dhexyaacday markii ay heshay nuqul ka mid ah shirkii shidaal baarista Soomaaliya ee London, Kenya ayaa ku doodday in 5 ka mid ah xermooyinkaas ay biyaheeda ku jiraan Soomaaliyana ruqsad ku bixineyso.
Todobaadkii saddexaad ee Bishii May, shirkii Garowe ee fashilmay kaddib dowladda Federaalka ah ayaa isku dayday in dib loo dhigo magacaabista Mr Swan, iyada oo ku baaqday in la tashi la geliyo, laakiin waxa loo sheegay ayaa ah in la magacaabay mar hore, lana doortay qof aan kii ay doonayeen ahayn.
Billowgii Bishan June dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ay ku soo dhamweyneyso go’aanka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay muddo kordhinta ugu sameeyeen Holwgalka AMISOM , waxaase ay ka aamustay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u soo magacawday Soomaaliya.
Source: Africa Confidential
Warbixinta oo ku qoran afka Ingiriiska halkan ka akhriso (RIIX)