Digniin Xildhibaanada Bar. 11aad Farmajo iyo Fahad oo loo keenay Dollar Been-Abuur ah.

Reading Time: 2 minutes

Xog ay heshay MOL ayaa waxay sheegeysaa inay Farmajo iyo Fahad ay soo daabacdeen lacag Dollar ah oo Been-Abuur (Falso) ah, taas oo loogu talagalay in Dorrashooyinka gudoonka Aqllada Barlamanka iyo tan Madaxdweynaha lagu kharqiyo. Lacag waxaa jirta Qatar laga keenay oo lacag sax ah, hasa yeeshee waxaa lacagtaas reebanaya oo raba inay ku baxsadaan haddii ay waayaan inay doorashada ku iibsadaan lacag falso ah Farmajo iyo Fahad.

Lacagtaan dollarka been abuur ka ah waxaa soo diyaariyey labada nin oo hore ugu shaqeysan jiray lacagahaas oo kala ah Xildhibaan Cabdishakur Cali Mire iyo Cabdurahman Dheere. Lacagtaan waxaa laga keenay Dalka Kenya, gaar ahaa magaalo xeebeedda Mombasa.

Xildhibaanda cusub oo aan inta badan kala garan Karin lacagaha Dollarka saxda ah iyo kana ben abuurka ah ayaa waxaa loogu talagalay in lagu khaarijiyo oo lagu siro lagacahaas iyadoo loo muujinayo in codkooda laga iibsanayo. Arrinkaan waxaa uu leehaya khatarro isdugsan kuwaas oo kala ah:

  1. In dhaqaalaha dalka uu jilbaha dhulka ku dhifto oo ay lacagtaas suuqa gasho lana kala aqoonni waayo tan saxda ah iyo tan falsada ah, in kastoo shirkadaha lacaga sarrifaa ay haysataan qalab lagu ogaan karo.
  2. In maciishadda oo haddaba qaali ah ay cirka isku shareerto waayo waxaa suuqa soo galaya lacago faalso ah oo badan, taasina waxay keeneysaa in waxa suuqa yaalla iyo lacagta falsada ah ee suuqa soo gashay ay kala bataan oo sicirka barar weyn uu abuurmo.
  3. Tan ugu daran waa Xildhibaanada cidii lagu qabtaa lacagtaas u keeneysa xarig xabsi muddo dheer ah oo ay dowladda Mareykanka gelineyso, waayo dowladda mareykan waxay leedahay ciidda khaas ah oo ilaaliya lacagat Dollarka.

Farmajo iyo Fahad waxay qorsheynayaan in la diyaariyo musharaxiin Gudoomiye ku xigeenka golaha shacabka sida Khadija AL-Makhzumi oo ay ku maalgelin doonaan lacagihii dollar been abuurka ahaa oo haddii ay guuleystaan halkaas ka sii wadi doono ololaha doorashada Farmaajo waxaa sidoo kale jira Musharaxiin Madaxweyne oo ay lacag la’aani hayso, kuwaaas ayaa iyagana waxaa laga maalgelin doonaa lacagtan been abuurka, iyada oo lagula heshiin doono haddii uu soo bixi waayo inuu xildhibaanada uu haysto ku wareejiyo Farmajo.

 Digniin Ku aaddan Xidhibaanada Cusub iyo Xataa kuwii hore.

Dhibaatada weyn waxay ku dhici doontaa Xildhibaanada taagera Farmajo oo la siin doono lacagaha been abuurka ah, waxaana ay MOL ogaatay in hadda Xamar ay  yaallaan makiinadaha lagu hubiyo lacagta dollarka ah inay sax tahay iyo in kale, taasina waxay xildhibaanada u keeni doontaa ceeb iyo dembi wada socda. Haddii ay dalka kala baxaan waxaa lagu gelinayaa Xabsi waxaa loo yeeraya ciiddamada gaarka ee Mareykanka oo ilaaliya Dollarka kuwaas oo la yiraahdo US Secret Service.  Ciiddamadaas waxay qabtaan laba shaqo oo aad u muhiim ah tan kowaad waa ciiddamada ilaaliya Madaxweynaha Mareykanka tan labaad waxay ilaaliyaan lacagta Dollarka oo ay soo qabtaan dadka isticmaala (Counterfeit)  ama lacagaha been abuurka iyadoo xabsi adaga oo dheer dhiga qofka lagu qabto.

Haddaba Xildhibaanka hadda ka sugaya Fahad iyo Farmajo inuu laaluush ka qaato bil Ramadaan ku talagal inuu rabbi kugu ciqaabi doono, ciqaabo badan oo kala duwan. Noloshaada khater ha gelin oo laaluush haka qaadan Farmajo iyo Kooxdiisa haddii aad laaluush qaadato cid kasta ka qaadee, oo aad codkaaga meel aan dalka dan ugu jirin dhigto rabbi haku dhibaateeyo ayaan ku leenahay.